Madaxweyne ku xigeenka dalka oo siyaasiyiinta uga digay inay qabyaalad adeegsadaan

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa hoggaamiyaasha uga digay inay taageero siyaasadeed ku raadsadaan qaab ay qabyaalad ku dheehan tahay.
Waxaa uu si gaar ah ula hadlay siyaasiyiinta gobolka uu isaga ka soo jeedo ee Rift Valley oo uu u sheegay inaan marnaba loo dulqaadan Karin in shacabka qabiil lagu kala qaybiyo.
Xilli uu ka qayb galay aaska wakiilkii deegaanka hoose ee Huruma Peter Chomba oo ka dhacay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayuu Ruto carrabka ku adkeeyay inuusan jirin qabiil gobolkaas sheegan karo .
Waxaa uu intaa ku daray in qowmiyadaha kala duwan ee dalka ay si siman u leeyihiin gobollada wadanka maadaama dastuurka uu qeexaya in cid kasta ay degi karto halka ay jeceshahay oo dalka ka mid ah.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dhanka kale siyaasiyiinta ugu baaqay inay xaddidaan hammigooda siyaasadeed si aan dalka rabshado loogu horseedin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here