Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo socdaal ku maraya deegaanada maamulkaas

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa gaaray degmada Balanbal, wuxuuna bulshada kala hadlayaa daadejinta maamulka ee deegaanada Galmudug.
Xildhibaan Cabdullaahi Saleemaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug kana mid ah wafdiga madaxweyne ku xigeenka ayaa idaacadda Star FM uga warramay socdaalkooda.
Sida uu xildhibaanku sheegay waxaa lagu wadaa in madaxweyne ku xigeenka uu gaaro degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo dhawaan Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) uu u magacaabay maamul cusub.
Waxaa uu xildhibaanka Khadka taleefoonka ugu warramay wariyaha idaacadda ee gobolka Galgaduud , Cubeyd Xassan Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here