Madaxweyne ku xigeenka oo soo dhaweeyay ansaxinta miisaaniyadda ismaamullada

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa si weyn uu amaanay senetarada aqalka sare ee dalka kaddib markii ay meel mariyeen nidaam in muddo ah la isku hayay.
Nidaamkan ayaa ah midkii saddexaad ee la doonayo inay 47-da dowlad deegaan ku qaybsadaan dakhliga.
William Ruto ayaa bartiisa tuwitarka ku sheegay in ay tahay tallaabo hore loo qaaday meel maarinta nidaamka dakhli qeybsiga ismaamulada .
Dr William Ruto ayaa sheegay in senetarada ay soo saareen nidaamka ay ku wada qanacsan yihin dhamaan ismaamulada kala duwan ee dalka.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalintii shaleyto senetarada ee dalka ay meel mariyeen nidaamka cusub ee qeybsiga dakhliga

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here