Madaxweyne loo magacaabay ismaamul ka tirsan Papua New Guinea

Taliyihii hore ee militariga fallaagada Papua New Guinea Ishmael Toroama ayaa loo doortay madaxweynaha Bougainville, oo ah ismaamul goboleed ka tirsan Papua New Guinea, sida ay sheegeen saraakiisha doorashada dalkaas.
Toroama ayaa lagu wadaa inuu hoggaamiyo wadahadalada lagu raadinayo madaxbanaanida.
Doorashadii lagu doortay ninkaas ayaa waxay ahayd tii ugu horaysay tan iyo markii maamulka Bougainville uu si aqlabiyad leh ugu codaysay inuu ka go’o Papua New Guinea.
Ismaamulka Bougainville ayaa waxaa uu hodan ku yahay macdanta .
Sanadkii 1998 ayay ahayd markii dagaal sokeeya uu ka dhacay ay ku nafwaayeen 20,000 oo qof .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here