Madaxweyne Puntland oo sheegay in Xamar uusan ka jirin amni iyo nadaafad

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay kulan soo dhaweyn ah oo ay Beelaha Muqdisho u sameeyeen ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalkaasi, Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.
Waxaa uu sheegay in u jeedada ugu weyn ee shirka Muqdisho ay tahay arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya maadaama Afartii sanaba mar doorasho la qabto si loo ilaaliyo xasiloonida dalka.
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Arrimaha la xiriira shirkii Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhankooda uu welu u furan yahay, sidoo kalena uu weli ku celinayo in doorashada waqtigeda ku dhacdo si isla ogol ah oo looga gudbo welwelka jira.
Waxaa uu soo hadal qaaday Arrimo ku saabsan dhanka Amniga,waxaana uuna sheegay in muqdisho uusan ka jirin amni iyo nadaafad,isla markaana xaalka Xamar uu u baahan yahay in wax laga bedelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here