Madaxweyne Qoorqoor Oo Safar Deg Deg Ah Ugu Ambabaxay Nairobi

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa u ama-baxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, waxaana wararku sheegayaan in safarka qoor qoor uu aha mid deg deg ah.
waxaa uu ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana sida la sheegay uu raacay Diyaarad ay leeyihin UN-ka, lamana oga u jeedka safarkiisa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne qoor qoor uu maalinimada berri ah kusoo laaban doono Muqdisho oo la filayo in uu ka furmo shirka Madaxda dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleed yada dalka Soomaaliya.
Shirka oo ay dib uga soo biireen ka qayb galkiisa Madaxda Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa loo ballansan yahay in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here