Madaxweyne Sh Shariif oo Jowhar ku Wajahan

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Jowhar ee caasimada Maamul goboleedka Hirshabeelle sidda ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan
Waxaa uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ka dib markii Safar Muddo qaatay uu ugu maqnaa dalalka Turkiga iyo imaaraadka Carabta.
Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxaa ka socoto howlaha lagu soo xulayo Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabelle, dhowaanna ay ka dhici doonto doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Maamulkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu qorshenaayo inuu sameyn ku yeesho soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle.
Siyaasiyiin kasoo jeedda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku eedeenaayay dowladda dhexe ee Soomaaliya inay guud ahaan la wareegtay hanaanka dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle wallow aysan dowlada dhexe ee Soomaaliya arintaasi wali ka hadlin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here