Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay in uu mar labaad isu soo sharaxi doono madaxtinimada

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu mar labaad u sharraxan yahay doorashada madaxweyne ee dalka Mareykanka ee sannadka 2020-ka.
Trump ayaa qorshaha ku aaddan ololihiisa kaga dhawaaqay magaalada Orlando ee gobolka Florida.
Khudbad uu ka jeediyay Orlando ayaa waxa uu aad uga hadlay horumarka uu Mareykanku ku tallaabsaday muddadii uu xilka hayay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa halqabsiga ololihiisa ka dhigtay «Keep America great» oo ay micnaheedu tahay Maraykanka ha sii wanaagsanaado .
Maalin weyn ayay noo noqon doontaa maalinta doorashada. Horay waan ugu soo guuleysanay, hadana waan ku guuleysaneynaa. Waa in aan shaqada dhameystirnaa”, sidaa waxaa khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Trump.
Waxa uu weerar afka ah ku qaaday xisbiga ay iska soo horjeedaan ee Dimuquraadiga, waxaana uu ku eedeeyay in ay dib u dhac ku hayaan dalka Maraykanka.
Waxa ay burburinayaan dalka, sidii aan uga baranayba, mana aqbaleyno. marna ma dhaceyso”, ayuu yiri Trump.
Khudbadiisa oo saacad iyo 20 daqiiqo qaadatay ayuu Trump ka jeediyay goobta ololaha, waxaana uu weerarkiisii xisbiga dimuquraadiga kasii waday bartiisa twitterka.
Horay ayaa waxaa loo hadal hayay in uu madaxweyne Trump dib uu isugu soo sharraxayo xilka madaxweyne doorashada sannadka 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here