Madaxweyne Trump oo sheegay inuu shacabka Maraykanka ku khasbi doonin xirashada Maaska

Madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuusan shacabka reer Mareykan ku amri doonin iney xirtaan maaskarada si looga hortago faafifadda fayraska corona.
Hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxa Cudurada Faafafa ee dalka Dr Anthony Fauci,uu madaxda dowladda iyo kuwa gobollada ku booriyay iney shacabka ku khasbaan xirashada maaskarada.
Dr Fauci ayaa intaasi ku daray iney aad muhim u tahay xirashada maaskarada wajiga ayna khasab tahay in qofkastaa uu isticmaalo.
Hogaamiye Trump oo mar sii horeysay gaashaanka u daruuray xirashada maaskarada ayaa markii ugu horeysay Sabtidii la soo dhaafay xirtay maaskarada.
Dalka Maraykanka ayaa ah dalka ugu dhimashada badan caalamka ee caabuqa Corona Virus.
Wadankaas waxaa Fyruskan ugu dhimtay in ka badan boqolaal kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here