Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo amaanay dhalinyarada

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in hantida ugu weyn ee Africa ay tahay kartida dhalinyarada aysan ahayn kheyraadka dabiiciga ah.
Waxaa uu sheegay in dhalinyarada ay yihiin lafdhabarka qaaradda Afrika.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dadka badankooda ay eegaan kheyraadka laga helo Africa balse dhalinyaradu ay yihiin hormarka ugu weyn oo ay qaaradda heysato.
Hadalkan ayuu madaxweynaha dalka ka jeediyay xilii uu khudbad muhiim ah ka jeedinayay shirkii 6-aad ee ganacsiga kaas oo lagu qabtay Accor Arena ee magaalada Paris ee dalka France.
Mr Kenyatta ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay France isagoona marti qaaday madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron.
Waxaa uu halkaas u tagay madaxweynaha dalka inuu heshiisyo ganacsi ah la soo gaaro wadanka France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here