Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo guddiga NCPB faray in dib eegis ku sameeyaan qiimaha galleyda

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa faray guddiga qaran ee keydinta dalagga ee (NCPB) in ay dib u eegis ku sameeyaan qiimaha la siisto galleyda qallalan.
Mr Kenyatta ayaa xusay in cudurka Covid-19 uu saameyn ku yeeshay wax soo saarka galleyda iyo sugnaanta cunnada.
Madaxweyne Kenyaatta ayaa waxaa uu faray guddiga qaran ee keydinta dalagga ee (NCPB) in uu hoos uu dhiggo qiimaha la siisto galleyda .
Galleyda qallalan ayaa hadda suuqyada waxay ka joogta 40 shilin halka uu madaxweyne uu amar ku bixiyey in laga dhiggo 20 shillin.
Waxaa uu sheegay in hoos uu dhiggidda qiimaha la siisto galleyda ay taasi ka badbaadineyso beeraleyda in ay khasaaro la kulmaan .
Waxaa uu sidoo kale carabka ku adkeeyey sida ay xukuumaddiisa uga go’aan tahay caawinta iyo taageeridda beeraleyda galleyda ee dalka .
Waxaa uu dhanka kale faray in wasaaradda beeraha, xannaanada xoolaha iyo Kalluumeysiga ay la macaamisho dalaga la soo gelinaya dalka si loo hubiyo in dhammaan wax-soo-saarka dalaga laga heli karo gudaha dalka.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in tallaabooyinka ay yihin kuwa lagu xaqiijinaya in dalka ay taallo galley ku filaan islamarkaana la joojiyo soo dhoofinta galleyda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here