Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo ka hadlay arrimaha BBI

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay arrimaha mideynta shacabka ee BBI isagoona sheegay in ujeedada kaliya BBI ay tahay mideynta shacabka Kenyaanka ah.
Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin soo bandhigid iyo dib u eegis ku aadan Barnaamijkan.
Sido kale Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in maalinka talaadada ah warbixinta laga sugayay ku wareejin doono madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa sheegay in muhiimada ay leedahay warbixintan ay tahay sidii Kenya looga dhigi lahaa dal mideysan .
Waxaa uu sheegay Mr Kenyaatta in sanado badan ay dalka ka jirtay rabshado,qabyaalad iyo Musuqmaasuqa,taasi oo uu sheegay in hadda meesha laga saarayo
Waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka fogaadaan arrimaha siyaasada oo ayna ka shaqeeyaan danaha shacabka Kenyaanka ah.

Guddigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray madaxweyne Uhuru iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga.
Kulankaasi iyo is-afgarad xigay ayaa meesha ka saaray xaaladdii siyaasadeed ee cakirneyd ee uu dalka xilligaasi ku jiray maadaama doorashooyin madaxtinimo oo dhacay lagu kala qeybsamay.
Raila iyo Uhuru ayaa soo bandhigay guddigan oo loo xilsaaray inay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha ee ku saabsan ilaa sagaal qodob.
Arrimaha BBI iyo warbixinta aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay gudaha wadanka si weyn looga hadal hayay.
Siyaasiyiinta qaar ayaa tageeraya halka kuwo kale oo dareemaya inay horseedeyso in shakhsiyaad gaar ah ay ka faaiidayaan ay ka soo horjeesteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here