Dowladda oo lagu wado inay galabta amar ka soo saarto xayiraada dalka saaran.

Bandhowga habeenkii ee saaran dalka iyo xayiraadda lagu soo rogay ismaamulada Nairobi ,Mombasa iyo Kilifi ayaa waxaa uu ku eg yahay maanta iyadoo dalka gudahiisa laga xaqiijiyey ila iyo hadda 781 kiis oo cudurka Corona ah ,waxaana cudurka u dhintay 45 qof halka 284 qof ay ka soo kabsadeen.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo ismaamulada Nairobi iyo Mombasa ay sii kordheen kiisasa cudurka Corona halka xaafadaha islii ee magaaladatan Nairobi iyo xaafadda Old Town ee ismaamulka Mombasa lagu soo rogay amar lagu mamnuucay galitaanka iyo ka bixitaanka xaafadahaasi .
Waxaa la filayaa maanta in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu shaaca ka qaadi doona xayiraadaha dalka la saaray bishii hore in Kenyaanka laga khafiifin doono iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here