Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo maanta la kulmaya Donald Trump

Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa maanta la filaya inuu kulan la qaado madaxweynaha dalka Maraykanka ee Donald Trump.
Kulanka madaxdan ayaa imaanaya saacado un ka dib markii ay guul u soo hoyatay madaxweyne Trump ka dib markii ay senetka meesha ka saareen dacwadihii xil ka xayuubin ah ee laga soo gudbiyay.
Xoghayaha safaaxada maraykanka Stephanie Grisham ayaa xaqiijisay kulanka hogaamiyaashan.
Waxaa ayna sheegay in 528 ay maalmood ay kulmayaan labadn madaxweyne.
Bishii August ee sanadkii 2018-kii ayay ahayd marki uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta uu dhigiisa kula kulmay aqalka cad ee maraykanka iyagoona ka wada hadlay wadahadal istaraatajiyeed ee Maraykanka iyo Kenya si ay isaga kaashadaan waxyaabo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here