Madaxweyne Uhuru kenyaatta oo maanta soo muuqday kadib maalmo la waayay halka uu jiro

103

Maalimo kadib markii ay Keanyaanka ku hadal hayeen barta Twiitarka maqnaashaha madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa maanta madaxweynaha waxaa uu ka soo muuqday sawiro isaga oo saxiixaya biil.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa soo saaray qoraal iyo sawiro isaga oo ku sugan aqalka madaxtooyada ee dalka.
Maqnaanshaha Mr Kenyaatta ayaa saaka ka hadashay afhayeenka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House Mrs. Kanze Dena .
Xilli ay saaka u warramaysay idaacadda Radio Maisha ayay sheegtay in hoggaamiyaha dalka uu joogo howlihiisina uu sidii caadiga ahayd u wato.
Waxay intaasi ku dartay in madaxweynaha uu xafiiskiisa waqti ku qaadanayay tan iyo markii uu dib uga soo laabtay wadanka Shiinaha.
Sido kale waxaa ay hoosta ka xariiqday inay la yaab ku noqotay in dadka ay isweydiinayaan halka uu Mr. Kenyatta aaday isagoo dhanka kale ku mashquulsan arrimaha dalka.
Hadal haynta arrinkan ku aaddan ayaa timid maadaama madaxweynaha uunan xaflad ama munaasabad qaran ka soo dhex muuqan laba toddobaad ka hor markii uu Shiinaha u safray .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here