Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo sheegay in hormar laga gaaray la dagaalanka cudurka AIDs-ka.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay inay keenya ku talaabsaday hormarka lagula dagaalamayo cudurka dilaaga ah ee HIV-AIDs-ka.
Mudane Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay Kenya ka go’an tahay inay ku guulaysato baa’bi’inta cudurkaasi.
Dalalka kale ee Africa ayuu Madaxweyne Uhuru ugu yeeray inay kheyraad badan ku bixiyaan cudurka AIDska si guul looga gaaro.
Mr Kenyaatta ayaa shalay kulan looga arinsanaye sida laga yeeli lahaa cudurkan ku qabtay aqalka madaxtooyada ee Nairobi.
Mas’uuliinta ka qeyb gashay tartan loogu magacdaray Champions of an AIDS Free Generation in Africa ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Botswana Festus Mogae .
Dowladda dalkani Kenya ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii dalka looga ciribtiri lahaa cudurka dilaaga ah ee AIDska .
Cudurkan ayaa waxaa uu saameeyay dhowr dhalinyaro ah oo ku nool dalka.
Ismaamlo qaar oo ay ku jiraan gobolka waqooyi bari ayaa la sheegay inuu cudurkaas si aad ah ugu badan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here