Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo si rasmi loogu wareejiyay BBI

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa lagu wareejiyay warbixinta uu soo diyaariyay gudiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dalka ee BBI.
Madaxweyne Uhuru kenyatta ayaa warbixintan markii lagu wareejinayay waxaa goob joog ka ahaayeen ku xigeenkiisa William Ruto hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Raila Odinga iyo godoomiyaha gudiga BBI Yussuf Haji.
. Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in shacabka loo soo bandhigi doono warbixinta isago ku baaqay in si deggan loo akhriyo loogana wada hadlo.
Waxaa uu xusay inay jiraan arrimo la doonayo in wax laga beddelo taasina aan la dafiri karin.
Guddiga BBI oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray madaxweyne Uhuru iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga.
Kulankaasi iyo is-afgarad xigay ayaa meesha ka saaray xaaladdii siyaasadeed ee cakirneyd ee uu dalka xilligaasi ku jiray maadaama doorashooyin madaxtinimo oo dhacay lagu kala qeybsamay.
Raila iyo Uhuru ayaa soo bandhigay guddigan oo loo xilsaaray inay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha ee ku saabsan ilaa sagaal qodob.
Qoddobadan ayaa kala ah dowlad wadaajinta, in cid kasta ay dareento inay dowladda ka dhex muuqato, xal u helidda doorashooyinka lagu kala qeybsamo,musuqmaasuqa, qabyaaladda, badqabka iyo ammaanka, la’aanta anshax qaran, barwaaqo iyo horumar la wada gaaro, xuquuqda iyo waajibaadka.
Guddoomiyaha guddigan ahna senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa shir jaraaid oo uu qabtay isbuucii hore ka sheegay in shakhsiyaad iyo xubnaha waaxyo ama ururo kala duwan ay soo gudbiyeen arrimaha ay u arkaan inay xal u noqon karaan caqabadaha ka taagan dalka.
Sido kale waxaa uu sheegay inay tageen dhammaan 47-da ismaamul ee wadanka sidaasi awgeedna ay u mahadcelinayaan in ka badan 7,000 oo qof oo Kenyaan ah oo ka soo kala jeedo jinsiyado, qabiilo iyo diimo kala gedisan kuwaasoo siyaabo kala duwan aragtidooda ugu soo gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here