madaxweyne Uhuru Kenyatta oo hakiyay mashruuca biyo xireenka Kimwareer

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta hakiyay dhismaha mashruuca biyo xireenada Kimwarer ka dib markii baaritaanadii lagu sameeyay lagu ogaaday in qarash aan macqul ahayn ay ku baxayso.
Warbixin ay soo saareen guddiga farsamada ee uu hogaaminayo Xoghayaha Joogtada ah ee Kaabayaasha dhaqaalaha Paul Maringa ayaa ogaaday in 22.2 bilyan ay ku baxayso Kimwarer taasi oo loo arkay in ay lacag badan tahay.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa amray in la joojiyo mashruuca biyo xireenadda Kimwarer.
Bilooyiinkii la soo dhaafay waxaa baaritaan lagu hayay lacago badan oo la sheegay in la galiyay mashruucaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here