Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo shaaciyay qorshahiisa doorashada 2022-ka

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Tv-ga dowladda ee France 24, ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa wax laga weydiiyay soo jeedintii madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga ee ahayd in uu kala diro aqalka baarlamaanka kaddib markii ay ku guuldareysteen ansixinta sharciga jinsiyadda saddex meelood labo meel.
Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in baarlamaanka uu ku guuldareysto in uu meel mariyo sharciga jinsyadda balse waxaa uu xusay in ujeedkiisa uusan ahayn in uu kala diro xildhibaanada aqalka barlamaanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay “Ma ahan waxa aan jeclaan lahaa in aan sameeyo laakiin waa ikhtiyaar uu horay u soo saaray madaxa cadaaladda waxaan sugeynaa inaan aragno natiijada ka soo baxda howlaha maxkamadda taasna waxay noqoneysaa waqtiga aan go’aan ka gaareyno”
Mr Kenyatta ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay xiriirka kala dhaxeeyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto, waxa uu ku adkeystay inuusan dhinac u dhigin ku xigeenkiisa isaga oo la shaqeynaya hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Madaxweynaha ayaa xusay in wadajirka asaga iyo hoggamiyaha xisbiga ODM uu yahay mid lagu mideenayo shacabka Kenyaanka.
Dhanka kale madaxweyne ayaa wax laga weydiiyay haddii uu taageeri doono ku xigeenkiisa Dr Ruto ee doorashada sannadka 2022-ka balse waxa uu ka gaabsaday su’aahaas isaga oo taa bedelkeeda sheegay in haatan ay ka go’an tahay inuu dalka u horseedo nabad, xasillooni iyo barwaaqo.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku adkeystay inuusan dooneenin in uu wax ka bedello dastuurka si uu mar saddexaad ugu tartamo jagada madaxweynenimo ama uu noqdo Ra’iisul wasaare, isagoo intaa ku daray inuusan dooneynin inuu xukunka sii joogo.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in ay jiraan qorshayaal la doonayo in militariga Mareykanka ay duqeymo ka fuliyaan gudaha Kenya ee ka dhan Al-Shabaab.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here