Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka hadlay xaaladda ka taagan dalka Itoobiya

Madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyaatta oo ka hadlay xaaladda dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya ayaa ku baaqay dhinacyada isku haya gudaha dalkaas inay raadiyaan xal nabadeed oo lagu soo afjaro dagaalka.
Madaxweynaha ayaa ka digay in dagaal weyn uu ka qarxo dalkaasui isagoona sheegay in Kenya iyo Itoobiya in muddo dheer ah ay ka soo shaqeynayeen xasilooni nabadeed.
Wuxuu ku booriyay dowladda Itoobiya iyo xoogagga deegaanka Tigreega ee TPLF in ay dajiyaan colaadda oo ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka si loo dhameeyo colaadda ka dhaxaysa.
Madaxweyne Uhuru Kenyatata ayaa hadalkaan jeediyay xilii uu xalay fiidkii aqalka madaxtooyada dalka ee State House kulan kula yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha Dibadda Demeke Mekonnen kaas oo lagu marti qaaday Nairobi.
Ra’iisel wasaare ku xigeenka ayaa dhankiisa salaam dhambaal ah ka gaarsiiyay madaxweyne Uhuru kenyaatta ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here