Madaxweyne Uhuru kneyaatta oo la kulmay Raiisul Wasaaraha Singapore

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa jimcihii shalay kulan la yeeshay Raiisul Wasaaraha Singapore Lee Hsien Loong halkaasoo ay labada hogaamiye ku heshiiyeen in kor loo qaado ganacsiga iyo iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo wadanka Aasiya.
Madaxweyne Kenyatta, oo ka qeybgalka Shirka Singapore ee 2019, ku tilmaamay in Kenya iyo Singapore ay horseed u noqdeen horumarinta xiriirka Afro iyo Aasiya
Mr Kenyatta ayaa ugu baaqay Singapore iyo waddamada kale ee Aasiya inay maal gashi ka sameystaan gudaha dalka si loo hormariyo afarta ajenda ee ugu waaweyn oo uu balanqaaday xisbiga talada dalka haya ee Jublee.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa sido kale ku booriyay in la dhiso guriyo cusub oo gaaraya in 500,000 si kaabayaasha dhaqaale ee dalka uu u hormaro.
Kenya iyo dalka Singapor waxa aka dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan oo dhanka iskaashiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here