Madaxweyne Uhuru oo ku amrey KEMSA inay daabacdo qandaraasyada COVID-19

Madaxweynaha dalka Uhuru kenyatta ayaa faray wasaarada caafimaadka in ay sameysato nidaam iibsi casri ah 30-ka maalmood ee soo socda iyadoo ay sii kordhayaan kiisaska la xiriira musuqmaasuqa ee lala xiriirinayo maamulka qaabilsan qaybinta daawooyinka ee KEMSA.
Kenyatta, oo ka hadlayay shir ay soo qabanqaabiyeen Golaha Barasaabyada ee CoG, ayaa sheegay in barmaamijka dijitaalka ah ay tahay in lagu daro dhammaan faahfaahinta wax soo iibsiga oo ay ku jiraan qiimaha qandaraasyadaiyo habka qiimaynta.
Hadalka madaxweynaha ayaa daba socdaa amarkii usbuucii la soo dhaafay uu siiyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee (EACC) si loo soo gabagabeeyo baaritaanada ku saabsan lunsashada lacagaha COVID-19 ee bil gudaheed.
Madaxa Fulinta ee KEMSA, Jonah Manjari ayaa ah shakhsiga ugu weyn ee loo haysta eedahan wax isdaba marinta taasoo horseed u ah luminta boqolaal milyan oo shilin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here