Madaxweyne Waare oo shegay in doorasho kastaa loo diyaar garoobo

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ka qeyb galay Soo xirista Shirka Wadatashiga, Dowladda Federaalka ah, Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka, iyo Gobolka Benaadir ayaa muujiyay sida lagama maarmaanka ay u tahay, in mar walbo laga shaqeeyo Horumarinta Dalka, waxaana heshiiska DhuusaMareeb ku tilmaamay mid Taariikhi ah.
Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa Ku ammaanay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, iyo Shacbiga Galmudug sida ay xil isaga saareen qabsoomida Shirarkii Dhuusa mareeb, waxaana si gaar ah uu ugu baaqay Reer Galmudug in ay la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan Hogaamiyaha xilkaska ah oo dulqaadka badan Axmed Kaariye Qoor Qoor sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Waare ayaa sido kale mar uu ka hadlayay muhiimada in Mar walbo Doorasha kastaa loo diyaaar garoobo ayaa yiri .
‘’Haddii hotel aan shirko ku nahay habeenki marka xisaabta la xiraayo intii shirkada ku aheyd qof kasta oo baangad iyo bastoolad soo qaato oo yiraahdo Xisaabta waa in aan ku kala baxno, haddii habeen dhacdo habeen kale dhacdo ma idinla tahay inuu habeen kale sii shaqeynayo oo lagu soo hiran doono, lana soo degi doono ma idinla tahay, inta aan annaga isku sii jeedno kheyraadkeena waa beylah, Afar sano kasta marka la gaaro inaan dhalo qarsho isku jabsano Soomaaliyeey aan ka gudubno’’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here