DHAGEYSO:Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo Maanta kulanyeelanaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay ku suganyihiin wadanka Jamhuuriyada Jabuuti halkaas oo ay Xalay gaareen, kadib markii uu Galinkii danbe ee Axada ka ambabaxay Magalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Maanta waxaay kulamo la qaadanayaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixinayay kulamada ay yeelanayaan labada Madaxweyne ayaa sheegay inay ka wada hadli doonaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti sidoo kalena waxyaabihii danbe ee soo kordha ay dib ka faahfaahin doonaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here