Madaxweynhii hore ee dalka Masar Mohamed Morsi oo geeriyooday

Wararka caawa inaga soo gaaraya magaalada Qaahira ee wadanka Masar ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee waddankaasi Maxamed Mursi uu ku dhintay maxkamad ku taala magaalada Qaahira.
Warbaahinada Dalka Masar ayaa tabiyay in Maxamed Mursi xilligii uu dhintay uu ku sugnaa Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira.
Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururkii Akhwaanul Muslimiinka ayaa madaxweyne loo doortay sannakdii 2012-kii , balse sannad kadib ayaa waxaa xukunka kala wareegay milatariga oo uu hoggaaminayey madaxweynaha xilligan talada Masar haya Cabdulfataax Al-Siisi.
Qaar ka mid ah Madaxda Carbeed iyo hogaamiyaasha Yurub ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here