Madaxweynihi hore ee dalka oo aas qaran loo sameyn doona

Kuxigeenka madaxa Jaamacada Kabarak Prof Henry Kiplangat ayaa xaqiijiyay aaska madaxweynihii labaad ee dalka Mzee Daniel Toroitich Arap Moi in loo qaban doona aas qaran 12ka bishaan oo ku beegan maaalin arbaco ah.
Qoyska madaxweynihii hore ee dalka ayaa dhanka kale sheegay in Mzee Moi lagu aasi doona gurigiisa oo ku yaalo Kabarak.
Madaxweynihi labaad ayaa geeriyooday shalay subax asagoo 95 sano jir ah.
Dadweynaha ayaa fursad u heli doono saddex maalin oo ay ku daawadaan meydka Mzee Moi maalmaha sabtida ila isniinta ee todobaadka soo socda.
Munaasabad weyn ee lagu xusayo aasaaska madaaxweynihi hore ayaa waxaa lagu qaban doonaa garoonka Kasarani maalinimadi talaadada ee soo socota iyadoona amniga aad loo xoojin doona maalinkaas.
Madaxweynihii hore Daniel Moi ayaa ahaa aasaasaha Jaamacadda Kabarak .
Saraakiil dheeri ah oo ka socda Qeybta Adeegga Guud ayaa durba la geeyay goobta lagu aasayo meydka madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here