Madaxweynihii Hirshabeelle oo xilka iska casilay

Madaxweynihii mudada xil-heyntiisu dhamaatay ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hi-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay Saqdii dhexe wuxuu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxweynaha Maamulkaasi.
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Waare ayuu ku sheegay in, isagoo tixraacaya qodobka 52aad ee Dastuurka KMG ah ee Maamulka Hirshabeelle uu is casilay, xilli howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle ay si caadi ah uga socaan magaalada jowhar ee xarunta Maamulkaas.
Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraalkiis sidoo kale waxaa uu ku sheegay inuu dalbaday in howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle dib loo dhigo muddo bil ah maadaama ay soo fool leeyihiin doorashooyinka Baarlamaanka Heer Federaal, balse taas bedelkeeda uu bilaawday is xulafeysi wax kala boobid iyo dano gaar ah sida uu Qoraalkiisa ku sheegay.
Madaxweynaha iscasilay ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare wuxuu nasiib darroku Tilmaamay yadoo wax badan qaldan yihiin ay hadana ku qanceen Duubabka Dhaqanka Hir-Shabeelle, hoggaanka kale ee Hir-Shabeelle, isagoo La yaab ku Tilmaamay in Xildhibaannada metela dadka deegaanka, hoggaanka mucaaradka oo badankood uu sheegay inay kasoo jeedaan Hir-Shabeelle aysan ka hadlin arintaan sidoo kalena ay u arkaan in wado wanaagsan ay ku socoto qaabka Doorashada Hirshabeelle.
Is casilaada uu ku dhawaaqay Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo mudada xil-heyntiisa ay ku ekeed 26-kii Bishii la soo dhaafay ee Oktoober ayaa waxay kusoo adayaa xilli howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle ay ka socdaan magaalada jowhar, isla markaana Maalinta Berito oo Arbaco ah la filayo in la doorto guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa ku Xigeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here