Madaxweynihii hore dalka Daniel Trotich Arab Moi oo isbitaalka loola carary

Madaxweynihii hore ee dalka, Daniel Arap Moi ayaa loola cararay isbitaalka Nairobi Hospital ee magaaladatan Nairobi markii labaad muddo 2 toddobaad gudahood, si xaaladdiisa caafimaad loola socdo.
Qoyska Madaxweynihii hore Daniel arap Moi ayaa muujiyay sida ay uga xunyihin wararka ‘naxdinta leh’ ee beenta oo ku saabsan caafimaadkiisa.
Dhanka kale warar soo baxay oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dalka inuu neefsan karin.
Afahayeen u hadlay madaxwaynihi hore ee dalka oo lagu magacaabo Lee Njiru ayaa sheegay in qoyska Mr Moi ay wax laga xumaado ku tilmaameyn arrinta beenta ee baraha bulshada iyo warbaahinada qaar ay faafiyeeyn asagoona dhanka kale sheegay in isbitaalka loo geeyay si baaritaan loo sameeyo iyo sidoo kale lala socda xaladiisa caafimaad.
Waxaa la rajeynayaa inuu ku laabto gurigiisa laakiin taasi waxay go’aan ka gaari doona dakhtarkiisa gaarka ah.
Daniel Arap Moi ayaa madaxweyne ka ahaa dalka muddo 24 sanno ah, intii u dhexeeysay sannadihii 1978-dii iyo 2002-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here