Madaxweynihii hore ee Congo oo u dhintay cudurka Coronavirus

Jacques Joaquim Yhombi-Opango, madaxweeynihii hore ee Jamhuuriyadda Congo ayaa u dhintay cudurka Coronavirus sida ay sheegeen qoyskiisa.
Yhombi-Opango ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska maalinkii Isniinta waxaa ayna da’adiisu ahayd 81 sano.
Mr. Yhombi-Opango ayaa xanuunsanaa ka hor inta uu haleelin cudurka COVID-19 sida uu sheegay wiilkiisa.
Waxaa uu dalkaasi hoggaaminayay intii u dhaxeysay 1977-1979 -kii ka hor inta aan xilka laga tuurin.
Ugu yaraan 178 wadan caalamka ayaa xaqiijiyay kiisaska Coronavirus.
Dhanka kale dalka Taliyaaniga tirada dadka uu soo ritay cudurkan ayaa gaartay 101,739 kiis , halka dhimashadu ay dhan tahay 11,591.
Dalka Spain waxaa uu cudurkan ku dhacay 87,956 qof halka uu nolashoodu galaftay 7,716 oo qof.
Shiinaha oo ah dalka afaraad ee sida ba’aan uu u saameeyay cudurkan ayaa waxaa uu soo ritay dad gaaraya 82,240 iyo dhimashada 3,309.
Dalka Jarmalka tirada dadka uu ku dhacay COVID-19 ayaa dhan 66,885 halka ay u dhinteen 645 qof.
Faransiiska ayaa xaqiijiyay 45,170 oo kiisas ah iyo dhimashada 3,030.
Wadanaka Iiraan oo ah midka sida weyn uu u saameeyay cudurkan Bariga Dhexe ayaa laga soo tabiyay kiisas dhan 41,495, iyo dhimashada 2,757.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa xaqiijsay kiisas dhan 22,454 iyo dhimashada 1,411 qof.
Turkiga waxaa uu soo ritay cudurkan 10,827 oo qof, 168 ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here