Madaxweynihii hore ee dalka Brazil oo xabsiga laga sii daayay

Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa laga sii daayay xabsiga ka dib amar ka soo baxay maxkmadda.
Maxkmadda sare ee Brazil ayaa burisey sharci ah inuu xabsiga ku sii jiro hogaamiyahaasi hore ee wadanka Brazil.
Markuu xabsiga ka baxay Luiz Inacio Lula da Silva ayaa waxaa dabaaldag weyn u sameeyay taagerayaashiisa.
Maanta oo sabti ah ayuu ku baaqay in taagerayaashiisa ay isugu soo baxaan magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil.
Lula waxaa la xukumay sanadkii 2018-kii isagoona sideed sano iyo 10 bilood xabsiga lagu xukumay ka dib markii lagu helay dambi ah inuu laaluush ka qaatay shirkad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here