Madaxweynihii hore ee Galmudug oo u hambalyeeyey Axmed Qoorqoor

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen guuleed ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee loo doortey Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa rasmiga ee facebook ayaa u dhigan sidatan.
Hambalyo madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay.
Waxaan rajeynayaa in hoggaanka cusub uu ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here