Madaxweynihii hore ee Mali oo dalka ka tagay

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa lagu soo warramayaa inuu wadankaas ka ambabaxay.
Safarka hoggaamiyahan hore ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan in la soo dhiso dowlad ku meel gaar ah waxaana warbaahinta u xaqiijiyay madaxii hore ee shaqaalaha maamulkiisi Mamadou Camara.
Waxaa uu daryeel caafimaad u raadsaday dalka isku tagga imaaraadka carabta.
Bishii hore ayay ciidamada militariga Mali hoggaanka kala wareegeen Ibrahim Boubacar oo 75 sano jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here