Madaxweynihii hore ee Pakistan oo racfaan ka qaatay dil lagu xukumay

Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan horayna u soo noqday hoggaamiyihii milatariga , Pervez Musharraf ayaa gudbiyay racfaan uu kaga soo horjeedo xukun dil ah oo maalmo ka hor lagu xukumay.
Waxaa uu dacwadda geeyay maxkamad ku taallo magaalada Lahore.
Warbaahinta Pakistan ayaa ku warramaysa in xukunka uu ahaa mid leh qaladaad iyo qodobbo iska soo horjeeda.
Sido kale Musharraf ayaa ku doodaya in maxkamadda ay go’aan degdeg ah gaartay iyadoo aan eegin dhinacyadii la doonayay.
17-kii bishan Diseembar ayay ahayd markii maxkamad gaar ah ay dil ku xukuntay Pervez Musharraf kaddib markii lagu helay dembi ah khiyaano qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here