Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo baaq nabadeed ka soo saaray colaado beeleedyada Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa ka hadley dagaal beeleedyada ka dhacaya deegaannada duleedka kaga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose & degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xasan sheekh ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Hoggaamiyeyaasha kasoo jeeda deegaannada lagu dagaalamayo inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyadaas xiligaan ka soo cusboonaaday deeganada dalka Soomaaliya ka tirsan.
Madxweynihii hore ayaa ugu baaqay Hoggaamiyayaasha, odayaasha beelaha iyo guud ahaan dadweynaha ku nool deegaanada maamulada Jubbaland iyo Koonfurgalbeed inay u guntadaan joojinta colaadda ka dhex taagan dadka walaalaha ah eedagaalamaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in Dhiig la daadiyo mid kale oo la sii daadiyo waxaan ahayn aysan ka dhalaneyn dagaal beeleedyada,isla markaana loo baahan yahay in loo degdego joojinta colaadda iyo ka shaqeynta dib u heshiisiin waarta.
Dagaal beeleedyadaii ka dhacey deegaannada duleedka Galbeed kaga beegan Kismaayo iyo degmada Walanweyn ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sababeen dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here