Madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Moi oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday madaxweynihii labaad ee dalka soo hoggaamiyay ilaa 24 sano , Daniel Toroitich Arap Moi.
Arrintan ayaa waxaa saaka shaaca ka qaaday madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.
Xoghayaha Moi u qaabilsanaa dhanka saxaafadda Lee Njiru ayaa sido kale warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada hoggaamiyihii labaad ee Kenya.
Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay gudaha iyo dibadda dalka .
Wuxuu intaas ku daray inuu Daniel Moi isbitaalka Nairobi Hospital ku jiray tan iyo bishii Tobnaad ee sannadkii hore ilaa uu ka geeriyoodo.
Mr. Njiru ayaa intaas ku daray in saddexdii sano ee ugu dambeysay inuu hoos u dhac ku yimid xaaladda caafimaad ee madaxweynihii hore.
Bishii koowaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii Mr. Moi qaliin dhanka loowga ama jilibka ah loogu sameeyay isbitaalka Aga Khan kaddib saameyn ka soo gaartay shil dhacay 2006-dii.
Bishii saddexaad ee sannadkii 2018, ayay wiilkiisa ahna senetarka ismaamulka Baringo Gideon Moi iyo dhakhtarkiisa Dr. David Silverstein waxay ku weheliyeen safar loogu qaaday Israa’iil si loo eego qaliinka dhinaca loowga ee lagu sameeyay.
Madaxweynihii hore ee dalka Daniel Moi ee geeriyooday isagoo ah 95 sano jir ayaa talada dalka qabtay sannadkii 1978 kaddib markii uu dhintay madaxweynihii koobaad ee dalka Jomo Kenyatta wuxuuna xilka hayay ilaa 2002-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here