Madaxweynihii labaad ee dalka oo maanta la aasaya

Waxaa maanta degmada Kabarak ee ismaamulka Nakuru , gobolka Rift Valley lagu aasaya madaxweynihii hore ee dalka Daniel Toroitich Arap Moi oo maalmo ka hor geeriyooday.
Mr. Moi ayaa talada wadanka hayay muddo 24 sano ah intii u dhaxeysay sannadkii 1978-dii iyo 2002-dii.
Mas’uulkan hore oo soo noqday madaxweyne ku xigeen ayaa hoggaanka dalka kala wareegay madaxweynihii koobaad Jomo Kenyatta oo dhintay 42 sano ka hor.
4-tii bishan labaad ayuu Moi ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital ee ku yaalla caasimadda dalka isagoo 95 sano jir ah halkaas oo bilooyin lagu daaweynayay.
Ammaanka Kabarak ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana xafladda qaran ee aaska ka qeyb galaya madaxda dalka iyo shacabka.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa galinkii dambe ee shalay sheegay in meydka Moi lagu qaadi doono diyaarad milatari.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley, George Natembeya ayaa sheegay in ilaa 60,000 qof ay ka qeyb galayaan xafladda aaska.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa lagu sagootin doonaa in la rido 19 rasaas sharafeed ah.
Shalay ayay ahayd markii garoonka cayaaraha ee Nyayo ee magaalada Nairobi xus qaran loogu qabtay Daniel Arap Moi.
Xuska aya waxaa kasoo qeyb galay madaxweynayaal kakala yimiday qaar kamid ah dalalka Afrika iyo hoggaamiyaasha dalkani Kenya.
Madaxweyna ku xigeenka dalka William Ruto oo ka hadlay munaasabada ayaa ku amaanay Moi waxyaabihii uu usoo qabtay dalkani Kenya.
Waxaa uu ku tilmaamay hoggaamiye aan ilaawi Karin .
Dr. Ruto ayaa dhanka kale sheegay in Moi uu ka qeeyb qaatay amanka dalka isla markaana uu ahaa qof jaceyl nabadda.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa dhankiisa ka dhawaajiyay in Mr Moi uu ahaa hoggaamiye qaran oo ku dadhaali jiray cafinta shacabka iyo hoggaamiyaasha.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in uu asaga ku jiray dadkii ay isku dhaceen madaxweeynihii hore balsee uu cafiyay.
Sidokale waxaa uu ku tilmaamay qof ay binaadanimadu ku dheer tahay oo tallaabo kasta ka fiirsan jiray.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa xusay in Moi uu ahaa qof xilal badan ka soo qabtay gudaha dalka laga bilaabo xildhibaan ilaa madaxweyne.
Waxaa uu khudbadiisa ku sheegay inuu Moi ku jiray dadkii u soo halgamay dalka isla markaana u soo hoyay xuriyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here