Madaxweynihii saddexaad ee Peru oo muddo hal isbuuc ah la magacaabay

Aqalka kongreeska ee wadanka Peru ayaa Francisco Sagasti u doortay inuu si ku meel gaar ah u qabto xilka madaxweynanimo ee dalkaasi.
Sagasti oo ah 76 sanno jir kana soo jeeda xisbiga centrist Morado Party, ayaa ku guuleystay codadka ugu badan ee aqalkaasi kongreeska.
Tani ayaa ka dhigan inuu la wareegayo xilka madaxweynanimo wuxuuna xafiiska joogaya ilaa iyo bisha Afaraad ee sannadka dambe.
Mr. Sagasti ayaa noqonaya madaxweynaha saddexaad muddo hal isbuuc ah ka dib markii uu iscasilay Axaddii Manuel Merino oo xilkaasii u sii hayay si ku meel gaar ah shan maalmood.
Martin Vizcarra oo ahaa madaxweynihii hore, kana tirsanaa xisbiga centrist Morado Party ayaa isagu xilka laga xayuubiyay.
Xil ka qadista Vizcarra ayaa timid kaddib maalmo isxigxiga oo ay dalkaasi gilgileen dibadbaxyo kuwaas oo ku dhinteen labo qof.
Madaxweynaha hore ayaa sido kale lagu eedeeyay inuu waxba ka qaban arrimaha musuqmaasuqa uuna wiiqay awoodda sharci dajiyaasha.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here