Bandowgii dowladu ku dhawaaqaday oo Xalay Muqdisho ka dhaqan Galay

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ka dhaqan galay Bandow ay dhawaan kusoo rogtay Dowladda federaal ah ee Soomaaliya,kaasoo bilaawdey 8:00 Fiidnimo kuna ekaa 5:00 Subaxnimo.
Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho iyo Xaafadaha qaar ayaa waxaa lagu arkayey Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya,kuwaasoo kala eryayay Dadka qaarkood oo wadooyinka taagnaa in kastoo badi la xirey Goobaha Ganacsiga ee Caasimada ku yaala.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kormeer ku sameeyay 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir kormeerkaan oo ahaa mid ay ugu kuur galayeen sida uu u hir galay bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa markale ku celiyey in Bandowga uusan saameyn doonin Wariyeyaasha,Dukaamada lagu iibiyo raashinka qalalan Isbitaalada iyo dadka xanuunsan,waxaana uu Ciidamada farey inay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka Aminiga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) oo Saxaafada la hadlay ayaa ka codsaday Shacabka kunool Magaalada Muqdisho inay ilaaliyaan nimaadka Dowladnimada,isla markaana u hoggaan samaan Awaamiirta Ciidamada iyo talooyinka Caafimaad si looga hortago faafida Cudurka Coronavirus.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Bandowga ka dhaqangalay Caasimada sidoo kalena waxay sheegeen in shacabku idooda ugu hogaamsameen bandowgaas si xauunka loo xakameeyo.

Dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin mudada la joojin doono Bandowga xilliga habeenkii ah ee la saarey Magaalada Muqdisho,iyadoo kiisas Cusub oo COVID-19 ah laga helay Magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee dowlada Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaalada Caabuqa COVID-19 ayaa sheegtay inay dad cusub soo baxeen kuwo kalena ay Xanuunka u dhinteen.
Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24kii saacadood ee dumabaysay, waxay sheegtay wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowzia Abiikar Nuur imay soo kordheen 20 xaaladood oo cusub, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 ee Soomaaliya 80 xaaladood.
Wasiiradu Waxay bulsahda kula dardaarantay inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.
Haddii uu qofku isku arko calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir Numberka ah 449 si loo siiyo talo caafimaad.
Tirada guud kiisaska laga xaqiijiyay guud ahaan dalka Soomaaliya waxay noqdeen hada 80, 20 ka mid ah 24 Saac ee la soo dhaafay ayay Soo baxeen,Tirada Bogsootay waa 2 qof halka Tirada Dhimashada Xanuunka Covid 19 ee Soomaaliyana ay hada gaadhay ilaa 5 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here