Magaalada Beledweyne oo loga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Korneyl Maxamuud Ibraahim Xasan Baakaay ayaa sheegay in siweyn loo adkeeyay amniga guud ee degaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay dilal ka geysteen Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay taliyaha in Ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin habeen iyo maalin inay la dagaalamaan Al-Shabaab, waxaana uu soo hadal qaaday dilkii dhawaan Beledweyne loogu geystay mid ka mid ah horjoogayaasha Macawiisleyda oo dagaalka kula jira Al-Shabaab,waxaana uu sheegay in ninkii ka dambeeyay ay Ciidamadu dileen.
Korneyl Maxamuud ayaa intaasi ku daray in guud ahaan Amniga Gobolka Hiiraan ay wax badan ka bedeli doonaan, isla markaana Ciidamada ay howlgallo qorsheysan ka fulin doonaan deegaano badan oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Amniga magaalada Beledweyne ayaa laga deyrinayay maalmihii la soo dhaafay waxaana lagu dilay dad mas’uuliyiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here