Magaalada dhuusa mareeb ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda besha caalamka(Daawo Sawirada).

Wafdi ka socda xubnaha Beesha Caalamka ayaa gaaraaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, iyadoo xubnaha wafdigan uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Xubnaha Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Midowga Afrika, Midowga Yurub, Safiirada Turkiga, Qatar, Ethiopia, Kenya iyo saraakiil kale.

Wafuudan ka socda Beesha Caalamka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Amniga, iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana la filayaa inay kulamo la qaataan Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa taageeri doona dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo qorshaha lagu dhisayo Maamulka Galmudug, iyadoo Beesha Caalamka ay bixin doonto dhaqaalaha ku bixi doona shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here