Magaalada Jilin ee Shiinaha oo xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah lagu soo rogay

Magaalada Jilin oo ku taala Waqooyiga Bari ee dalka Shiinaha ayaa dhinac ka xirtay xadkeeda isla markaana soo rogtay xayiraado dhanka dhaqdhaqaaqa ah sido kalena jartay isku socodka kaaabayaasha ka dib markii kiisas cusub la diiwaan geeliyay lagana baqayo wejiga labaad ee fayraska.
Magaaladan oo ay ku nool yihiin dad ka badan 4 milyan ayaa laga bixi Karin oo kaliya loo ogol yahay in 48 saacadood ka hor aad isbaarto si laguu fasaxo.
Waxaa sido kale la xiray dhamaan shaneemooyinka, goobaha jimicsiga iyo maqaayadaha yaryar.
Magaalada ayaa waxaa laga xaqiijiyay 6 kiis oo gudaha ah.
Dhanka kale shirkada diyaaradaha ee Emirate airlines ayaa qorsheeneysa in laga bilaabo 21-ka bishan ay dib u bilawdo duulimaadyadeeda ay kaga duuleyso Dubai kuna tageeyso magaalooyinka London Heathrow, Frankfurt, Paris, Milan, Madrid, Chicago, Toronto, Sydney iyo Melbourne.
Hong Kong waxay xaqiijisay labadii kiis ee ugu horreeyay muddo 3 toddobaad ah kuwaas oo aan lala xiriirinin dad dibadda kasoo safray.
Dalka Malaysia waxaa laga xaqiijiyay 24-kii saac ee lasoo dhaafay kiisas dhan 37 taas oo tirada guud ka dhigeysa 6,779.
Sido kale wasaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in labo qof ay u dhinteen fayraska korona taas oo tirada guud ka dhigaysa 111.
Ruushka ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay diiwaan geliyay kiisas dhan 10,028 waxayna tirada guud hadda tahay 242,271.
Sido kale 96 qof ayaa fayraska u dhintay waxayna tirada guud taagantahay 2,212.
Guud ahaan caalamka in ka badan 4.26 milyan oo qof ayuu saameeyay caabuqa corona sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University.
Waxaa cudurka covid-19 u dhintay in ka badan 291,000 qof halka ku dhawaad 1.5 milyan oo kalena ay ka bogsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here