Magaalada Nairobi oo lagu qabanaya shir caalami oo ku saabsan wax soo saarka

Waxaa magaala madaxda dalka ee Nairobi maanta ka furmaya aqoon is-weydaarsi heer caalami ah oo la xiriira arrimaha cilmi baarista iyo wax soo saarka.
Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu labo cisho socdo.
Waxaa soo qaban qaabiyay guddiga qaran ee sayniska , tiknolojiyadda iyo wax soo saarka ee (NACOSTI).
Guddigan ayaa shaaca ka qaaday in si gaar ah loo eegi doono sida cilmi baarista loogu adeegsan karo sare u qaadidda wax soo saarka beeraha dalka.
Madaxa cilmi baarista ee wasaaradda beeraha ee dalka Oscar Magenya ayaa sheegay in beeruhu ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in la sameeyo cilmi baaris badan oo aqoon ku saleysan si loo xalliyo caqabadaha dhanka cuno yarida.
Aqoon is-weydaarsiga maanta Nairobi ka furmaya ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeedin doono aqoonyahaano maxalli iyo kuwo caalami ah si dadka ka qayb galaya loogu wacyigeliyo muhiimadda cilmi baarista ay u leedahay kobcinta wax soo saarka beeraha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here