Magaalo ku taala Japan oo la daala dhaceysa sidii ay dadka uga joojin lahayd wadooyinka oo ay seexdaan

Booliska gobolka Okinawa ee Japan ayaa la halgamayaa dhacdo la yiraahdo rojo-ne, oo macno ahaan ah “wadada oo lagu seexdo”.
Dadka ayaa habeenkii dhex jiiftaa laamiga iyada oo boolisku ay la tacaalayaan wax ka qabashada arrintani.
Sannadkii 2019-kii kaliya ayaa boolisku diiwaan geliyey 7,000 oo kiis oo la xiriira arrinkan.
Waxaa la sheegay in dad badan oo jiifay laamiyaha uu jiiray baabur isla markaana ku naf waayay halkaasi.
Arrinta la yaabka leh ayaa ah in dadkan ay yihiin dad hoy leh oo iska ladan, qaar nah ay watan baasikil ama moota.
Wadooyinka Okinawa ayaa ah meel dad badan ay ku hurdoodaan marka ay marayaan khaasatan habeenkii.
Sido kale heer kulka wadada ayaa lagu sheegay 26 degree celcius.
Dadka qaar ayaa sidaas darteed u imaada inay isku kulelyaan halka kuwo qaar ay u maleynayaan inay xaafadahooda yimaadan oo iska bixiiyaa dharka ay qabaan.
Booliska ayaa isku dayaya inay ka wacyi geliyan dadka arrintan balse waxay u muuqataa in kiisasku ay sare u sii kacayaan.
Dadka lagu helo arrimahani ayaa lagu ganaaxa lacag dhan $470 doolar.
Markaa haddii aad waligaa isku aragto adiga oo maraya Okinawa, waa inaad indhaha ku haysaa wadada, qof ayaa laga yaaba inuu u isticmaalayo wadadasi sida sariirtiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here