Magaalo ku taalla dalka Sri Lanka oo Bandow lagu soo rogay

Dowladda dalka Sri Lanka ayaa lagu soo warramayaa inay bandow ku soo rogtay magaalada Negombo.
Afhayeenka militariga dalka Sri Lanka Sumith Atapattu ayaa sheegay in shalay ay xasarad ka jirtay magalaada Negombo kaddib markii ay isku dhaceen dad ka soo jeedo qowmiyadda Sinhalese iyo Muslimiin halkaasi ku nool.
Bandowga lagu soo rogay ayaana qeyb ka ah ka hor tagga rabshado diin ku saleysan oo laga cabsi qabo inay Sri Lanka saameyaan.
Xilligii lagu guda jiray fasaxa masiixiga ee Easter ayaa waxaa halkaasi ka dhacay qaraxyo looga takhalusay 253 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here