Magoha oo amar siiyay sagaal jaamacadood oo lagu barto culuunta caafimaad

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maamullada sagaal jaamacadood oo ka mid ah kuwa ku yaalla dalka ee bixiya culuunta caafimaad ku amray inay xaqiijiyaan in ardayda dhigta ay isticmaalaan agabka la isaga difaaco cudurka COVID19 ee PPEs.
Waxaa uu wasiirku xusay inay lagama maarmaan tahay in ardaydan marka ay ku wareegayaan isbitaallada ay agabkan sitaan.
Sido kale waxaa uu Magoha soo jeediyay in la yareeyo tirada ardayda ee tababarada ka qaadanaya isbitaallada si loo xaqiijiyo inaan aad la isugu dhawaan.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sagaal jaamacadood u ogolaatay inay dib ugu yeeraan ardayda ku jiro sannadka afaraad ee waxbarashada jaamacadda si ay u sameyaan imtixaanada ugu dambeeya.
Hasa ahaate Prof. George Magoha ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Khasab tahay in la raaco dhammaan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda coronavirus.
Jaamacadahan ayaa kala ah University of Nairobi, Mount Kenya University, Moi University, Egerton University, Kenya Methodist University, Kenyatta University,Jomo Kenyatta University of Agriculture and technology ,Maseno University iyo Uzima University.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here