Magoha oo ka hadlay dib u furka dugsiyada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in go’aanka dib loogu furaya xarumaha tacliinta uu yahay mid lagu saleyn doono xaaladda covid-19 ee dalka.
Dowladda ayaa horay u shaacisay in dugsiyada xiran tan iyo 15-kii maarso dib loo furi doono bisha sagalaad ee sannadkan.
Wasaaradda waxbarashada ayaa hadda ku howlan soo saaridda qorshaha ay howlaha tacliinta ku sii socon karaan iyadoo dhanka kale ardayda laga badbaadinaya cudurka.
Waxay hadda ardayda casharada ku qaadanayaan qaab online ah in kastoo ay jiraan kuwo ka cabanaya inaynan fursaddan ka faaiidaysan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here