Magoha oo ku dhaqaaqay arrin laga carooday

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay arrin uu dhawaan ku dhaqaaqay isagoona si weyn u cannaantay agaasimaha waxbarashada ee ismaamulka Uasin Gishu Gitonga Mbaka.
Prof Magoha ayay kameeradu qabatay isaga oo canaan iyo aflagaado isugu daraya Mr Mbaka.
Arrintaan ayaa si weyn looga hadal haya dalka waxaana ka carooday dad badan.
Wasiirka waxbarashada ayaa arrinta uu sameeyay raali galin ka bixin balse waxaa uu muujiyay inuu ka xun yahay.
Falka uu ku dhaqaaqay ayaa keentay in laga wareejiyo xilka maareynta shaqaalaha wasaaradda waxbarashada waxaana loo dhiibay xoghayaha joogtada ee wasaaradda tacliinta dalka Dr. Belio Kipsang kaas oo jagadaas sii heyn doona ilaa iyo amar dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here