Magoha oo sheegay in dugsiyada si furnaan doonaan inkasto oo ay kordheen kiisaska cudurka COVID-19

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa sheegay in uusan jirin qorshe lagu xirayo iskuulada dalka ee dhawaan qaybo ka mid ah dib loo furay iyadoona dalka haatan uu wajahaya mowjadda labaad ee cudurka Covid-19 oo maalmihi ugu dambeeyay kiisaska ay kordheen.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu shalay booqasho ku tagay dugsiyo ku yalla deeganka Mumias ee ismaamulka Kakamega.
Wasiirka ayaa sheegay in 3 milyan oo arday ah oo dhigta fasallada 8-aad, 4-aad ee dugsiga hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dusgisyaga sare ay dib u bilaabeen wejigii koowaad ee dib u furista iskuulada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqayay baahida loo qabo feejignaanta kiisaska sii kordhaya.
Wuxuu sheegay in wasaaradda waxbarashada ay si dhow ula shaqeyneyso dhigeeda arrimaha gudaha si ay ula socoto xaaladda.
Mr magoha ayaa dhanka sheegay inuusan jirin qof ka fikiraya in dib loo furo iskuulada mana jiro qof ka fikiraya in la xirayo, islamarkaana hadii go’aan la gaarayo, waxaa lagu gaari doonaa iyadoo lagu saleynayo xaqiiqda ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here