Magoha oo sheegay in la joogo xiligii dib loo furi lahaa xarumaha waxbarashada dalka

Wasiirka wasaarada waxbarashada dalka George Magoha ayaa sheegay in hadda la joogo xiligii dib loo furi lahaa xarumaha waxbarashada dalka, isgoona markale meesha ka saaray furitaanka dugsiyada ee bisha January.
Xitaa haddii ay dowladdu sugi laheyd illaa Janaayo 2021, Waxaa uu mudanayaasha aqalka baarlamaanka u sheegay in xaalada cudurka Covid-19 aysan isbadaleynin sidaasi darteedna carruurta ay guriyaha kaga amaan fiicanyohiin iskuulada.
Mr Magoha ayaa gudiga waxbarashada ee aqalka baarlamaanka u xaqiijiyay in wax walba loo sameeyo sidii loogu laaban lahaa waxbarashada, waqtigii lagu laaban lahaayna hadda la joogo.
Wasiirka ayaa xusay inuu kala shaqeynaayo saamileyda waxbarashada sidii skuulada dib loogu furi lahaay, isagoona shaaca ka qaaday in talooyinka guddiga howsha waxbarashada ee ku saabsan Covid-19 ay soo saareen dhammaan arrimaha saameynaya dib u furista iskuulada.
Gudigan ayaa soo jeediyay in skuulada dib loo furo inta u dhaxeeyso 5 October iyo 19 October.
Wuxuu sidoo kale sheegay in jadwalka cusub ee iskuulka loo qaabeeyey qaab lagu hubinayo in sannadka 2020 uusan ahayn sannad lumay.
Prof Magoha ayaa sheegay in dugsiyada hoose dhexe iyo kan sare la furi doono iyadoo lagu bilaawaayo arda u fariisaneyso imtixaanada qaran ee dalka.
Hadalka Magoha ayaa imaanaya maalma uun kadib markii madaxweynaha dalka uhuru Kenyatta uu hakad galiyay furitaanka iskuulada.
Mr Kenyatta ayaa xiligaasi sheegay in furintaaka iskuulada aysan aheyn “waa gormaa” balse tahay “sidee” iyo xaqiijinta badbaadada carruurta.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay iskaashi la gashay Hay’ada QM u qaabilsan carruurta ee UNICEF si ay u siiso 700,000 oo maskaro dib loo isticmaali karo ah, sidoo kale waxay iskaashi la gashay Bangiga KCB iyo urura kale si ay iskuulada ugu qaybiyaan qalabka lagu baaro heer kulka dadka.
Waxaa uu qorshu yahay in skuul walba uu heli doono hal xabo oo qalbaka lagu baaro heer kulka lagana doonaayo in iyaga ay soo ibsadaan kuwa badan.
Dhawaan ayay gudiga adeega macalimiinta TSC ku amaratay barayaasha inay iska xaadiriyaan skuulada si loogu diyaar garoowo dib u furitaanka iskuulada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here