Magoha oo sheegay inaan la ogolaan doonin in waqooyi bari ay waxbarasho la’aan noqoto

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe aynan marnaba ogolaan doonin in amni darro awgeed carruurta wax ka dhigta dugsiyada ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ay waxbarasho la’aan ku dhacdo.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan siyaabo dhowr ah oo la adeegsanaya si xaaladda jirta loogu soo celiyo sidii caadiga ahayd.
Arrintan ayaa timid kaddib markii guddiga adeegga macallimiin ee TSC uu deegaanada gobolka ka soo wareejiyay macallimiinta aan u dhalan maadama ay walaac ka muujiyeen xaqiijinta badqabkooda.
Tallaabada TSC ayaa timid kaddib markii weeraro ka dhacay Garissa lagu dilay saddex macallin.
Magoha ayaa xilli uu ku sugnaa gobolka xeebta waxaa uu ardayda iyo barayaasha waqooyi bari u xaqiijiyay in amnigooda la sugay .
Sido kale qeybaha kala duwan ee bulshada iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed ayuu ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan saraakiisha ammaanka si loola dagaalamo waxa uu ku tilmaamay cadowga doonaya inuu wiiqo waxbarashada gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here